Daawo: Xildhibaano ku dhawaaqay Kutlad la magac baxday Toosin Qaran

0

MUQDISHO (SMN) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay Kutlad la magac baxday Toosin Qaran.

 

Xildhibaanadan oo u badan kuwa mucaarad ah ayaa sheegay inay u taagan yihiin ilaalinta dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay ka horyimaadeen qodobadkii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

“Kutladan waxay walaac ka muujineysaa qodobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee aan loo dhammeyn, kuwaas oo qaarkood ah ay ahaayeen kuwa ka hor imaanayo dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada maanta Kudlada cusub uga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here