Sawirro: Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA oo gaaray gobolka Gedo

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, qaybna ka yihiin Wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland ayaa gaaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo kamid ah degmooyinka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

 

Wafdigaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa, u qaybsamaha Qaramada midoobey ee arimaha gargarka iyo ban’iadanimada {DSRGS) GEORGE CONWEY, Madaxda Hay’addaha UNICEF, WFP iyo madaxa Mashruuca gargaarka degdega ee hay’adda FAO Somalia, UN-OCHA Somalia.

Ujeedada Socdaalka Wafdiga ayaa la xariirtey u kuur gelida Sameynta ka dhalatey Fatahaadii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada Baardheere, Burburkii Buundadii muhiimka u ahayd Bulshada magaalada Baardheere iyo Saameenta wayn ee ka dhalatay fatahaadaha Elnino, waxa ay boqdeen sidoo kale xirooyinka ay daganyihiin dadka Barakacaaysha ah ee sida ba’an u saamaysay fatahaada, Buundada Burburtay, Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka degmadaas.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here