Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 24-aad ee Khaalid binu Waliid ayaa maanta howlgallo ka sameeyay agagaarka degmada Ruun-nirgood oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa inta ay ku jireen howlgallada fashiliyay qaraxyo miino oo ay kooxda ku aastay waddooyinka soo gala degmadaas iyo kuwa ka baxa.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in miinooyinka qaarkood ay furfureen, kuwa kalena ay qarxiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen goobo gabaad u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada qorsheysan ee ay ku qaadaan xarumaha ciidamada.

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay fashilyeen miinooyin kooxdu ku aaseen qaar ka mid ah wadooyinka, islamarkaana miinoyinka qaarkood ay furfureen qaarna ay qarxiyeen.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmha kahor ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen degmada Ruun-nirgood oo ay isaga baxeen Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here