KUWEYT (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt oo kamid ah waddamada Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, ayada oo halkaasna si weyn loogu soo dhaweeyay.
Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.
Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha, golaha Amiirrada oo uu la kulmay.
Halkna hoose ka daawo Sawirrada:-