MUQDISHO (SMN) – Shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Hay’adda SoDMA, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee ku midaysan daladda ‘Somalia NGO Consortium’ ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira la tacaalidda saameynta fatahaadaha Elnino.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga arrinsaday sidii xogaha arrimaha bani’aadannimo loo mideyn lahaa, sidii gaargaarka loo gaarsiin lahaa goobaha fogfog iyo in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka soo shaqeeya arimaha kor ku xusan.
Kulankaan oo uu daahfuray Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa lagu go’aamiyay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo in la dardar galiyo howlaha u qaraamidda dadka ay fatahaaduhu waxyeelleeyeen.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-