MUQDISHO (SMN) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Cabdi ayaa filayaa inay maanta kulan foolka fool ah ku yeeshaan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Labada madaxweyne ayaa saacadaha soo socda ka kala bixi doona magaalooyinka Muqsisho iyo Hargeysa, iyaga oo ka dagi doono caasimadda dalka Jabuuti.
Lama oga waxyaabaha rasmiga oo uu ku saabsan yahay kulankooda iyo qodobada ay ka wada-hadali doonaan ee ku aadan arrimaha dowladda federaalka iyo Somaliland.
Wararka ayaa sheegaya in xiririnta kulankan iyo qaban-qaabadiiisa uu leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi isugu geynaya dalkiisa, si ay u yeesheen wada-hadallo gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland.
Sidoo kale xogo hoose oo la helayo ayaa ku warramaya in labada madaxweyne ay kulankooda diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladooda oo hakad ku jiray 5 tii sano ee lasoo dhaafay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u doorashadiisii 15 May, kadib tallaabadii u horreysay u qaaday wada-hadallada DFS iyo Somaliland, isaga oo u magacaabay ergey gaar ah oo ah Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isaguna maalmihii u dambeeyay waday kulamo wadatashi ah oo ku aadan wada-hadallada labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku wehlin doono saddex wasiir oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka biyaha.
Dhankiisa waxaa madaxweynaha Soomaaliya la socda wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergeyga qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.
Si kastaba, ma aha kulankii ugu horreeyay oo dhex-mara madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana sidaan oo kale ay sanadkii hore ugu kulmeen isla dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha Jabuuti, halkaas oo ay isugu tageen inta badan madaxda Soomaaliyeed.