Maydka nin Soomaali ah oo laga helay magaallo ku taalla waddanka Canada

0

WINNIPEG (SMN) – Farah Ali Mohamud, ayaa habeenkii Talaadada meydkiisa laga helay guri ku yaalla magaalada WininBeeg ee dalka Canada.

 

Ninkan oo kamid ahaa Soomaalida ku shaqeysta gaadiidka Xamuulka ayaa la waysanaa mudo 4 maalin ah, waxaana wali la ogeyn sababta geeridiisa.

Farah oo 34 jir ahaa ayaa alaab kasoo qaaday Fankuufar, wuxuuna geeyay WininBeeg, iyadoo la filayay inuu dib ugu laabto magaada Edmonton oo uu deganaa balse la waayay warkiisa, sidq qoyskiisa oo halkaas ku nool sheegay.

Booliska Canada ayaa wada baaritaan ku aadan dhimashada Farah, oo ahaa taraagle ka dhex shaqeeya gobolada dalkaasi. Wuxuu galay dalka Canada 2011, isagoo aabe u ahaa 3 caruur ah, oo ifka uga tagay hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here