GAALKACYO (SMN) – Taliska Ciidamada Booliska Puntland ayaa baadi-goobaya eedeysanayaal loo haysto inay dil ka gaysteen waqoogiga magaalada Gaalkacyo ee xatrunta gobolka Mudug.
Eedeysanayaasha oo kala ah wiil iyo aabihiisa ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse, sida uu shaaciyeay taliska Booliska Puntland.
Labada eedeysane ayaa loo haystaa inay dileen laba sarkaal oo ka tirsanaa Booliska qaybta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray X/le Xuseen Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye.
Halkan hoose ka akhriso:-
Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Muuse Faarax iyo Wiilkiisa Maxamed Xuseen Muuse, sida ay shaaciyeen ciidamada Booliska Puntland.