Sawirro: Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Jabuuti

0

HARGEYSA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Ujeedada safarkan ayaa ah in halkaas laga sii amba qaado wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo ku bilaami doona heer madaxweyneyaal.

Safarka shaqo ee Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa muddo kooban qaadan doona, waxana ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaraddaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna saacadaha soo socda ka ambabixi doono magaalada Muqdisho, si uu isna u tego dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in xiririnta kulankan iyo qaban-qaabadiiisa uu leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah guddoomiyaha Ururka IGAD.

Si kastaba, ma aha kulankii ugu horreeyay oo dhex-mara madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana sidaan oo kale ay sanadkii hore ugu kulmeen isla dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha Jabuuti, halkaas oo ay isugu tageen inta badan madaxda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here