MUQDISHO (SMN) – Kulan gaar ah oo looga hadlayay isbeddalka amni ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xarunta Aqalka Dolwadda Hoose ee Xamar.
Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb-galay, duqa Muqdisho, ra’iisul wasaare Xamza, wasiiro, xildhibaano, saraakiisha amniga iyo qaybaha kala duwna ee bulshada.
Intiisa badan waxaa shirkan lagu bogaadinayay ciidamada ammaanka ee ku guuleystay inay xasiliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sulub Axmed Firin oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda ammaan ee degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in guullo waa weyn ay soo hooyeen ciidamada, taas oo keentay isbedalka la dareemayo.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka oo uu ugu baaqay inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga ee dowladda.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa reer Muqdisho ay dareemayeen deganaan, waxaana meesha ka baxay ciyaal weerada, kooxo dhaca gaysan jiray ayada oo ay sidoo kale yaraadeen weeraradii qaraxyada ahaa ee horay uga dhici jiray gudaha caasimadda.