Daawo Xildhibaan ilkacase “Gobolka Awdal oo dhan Itoobiya ayaa la siiyay”

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Ikacase oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xagdubka ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, kadib hadal uu ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa.

 

Ilkacase ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay isku ballaarineyso Soomaaliya, isaga oo shaaca ka qaaday in la siiyay gebi ahaan gobolka Awdal, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan midnimo, isla markaana ka soo horjeestaan dulmiga dowladda Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay heshiiskii ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo Somaliland ku siisay ay Itoobiya 20 KM oo kamid ah baddeena.

Arrintan ayaa xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya waxaana sidoo kale ka hortimid dowladda federaalka oo soo saartay go’aano ka dhan ah heshiiskaas oo sidoo kale la kulmay cambaareyn ka timid qaar ka mid ah dowladaha caalamka iyo ururada caalamiga ah, kuwaas oo garab istaag weyn u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here