Xildhibaano iyo wasiiro digniin adag ka soo saaray damaca gurracan Itoobiya

0

BOORAMA (SMN) – Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed.

 

Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya.

Sidoo kale wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku boobto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Ugu dambayn waxay Wasiiradda iyo Xildhibaanadu baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here