DF Soomaaliya oo ka jawaabtay banaan-bax ay dalbatay bulshada rayidka

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay baaq ay soo jeediyeen ururrada bulshada, kaas oo ay ku dalbanayeen in maalinta Khamiista magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan baxyo looga soo horjeedo heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland ee woqooyiga Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay ayideyso baaqaasi, isla markaana ay shacabka ku taageeri doonto in si habsami leh u qabsadaan bannana baxyada ay iclaamiyeen.

“Waa in Khamiista shaqooyinka oo dhan la joojiyo oo banaanbax lagu diidan yahay damaca Itoobiya la iskugu soo baxo” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here