Askar ka tirsan ciidamada Mareykanka oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya oo ay ka sameeyeen howgal gaar ah Khamiista.

 

Taliska Dhexr ee Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay inuu socdo hawlgal baadigoob iyo samatabbixin ah oo lagu soo badbaadinayo labada askari.

Bayaanka Taliska Dhexe laguma sheegin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan nooca howlgalka ay ciidanka ku jireen markii la waynayay labada askari.

“Ixtiraamka loo hayo qoysaska labada askari, ma bixin karno xiligan macluumaad dheeraad ah,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska dhexe Ee Mareykanka.

Arintan ayaa kusoo aadaysa xilli uu Ciidanka Maraykanka badda cas ka wado howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen ee weerarada ku qaada maraakiibta ganacsi ee mara gacanka Baabul Mandab oo kamid ah marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here