Ukraine oo sheegtay inay qabatay nin Soomaali ah oo u dagaalamayay Ruushka

0

KYV (SMN) – Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Adiila, ayaa u gacan galay Ciidanka militariga Ukraine, xilli uu ka dagaalamayay Magaalada Maryinka ee Gobolka Donetsk.

 

Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Ukraine, Maxamed ayaa ka mid noqday Koox calooshood u shaqeystaal oo ka dhinac ka dagaalmayay Ciidanka Ruushka.

Maxamed Adiila oo heysata baasboorka Soomaaliya, ayaa bishii December ee sanadkii hore la geeyay furimaha dagaalka, waxaana la qabtay horraantii bishan, isaga oo ku sugan Magaalada Maryinka.

Wuxuu Maxamed ka tirsanaa guutada 3aad ee ciidanka Ruushka, iyadoo ay soo baxayaan warar la xiriira in muwaadin Soomaaliyeed uusan khibrad ah ka heysan habka dagaalka, balse ay lacag ku xambaartay in uu u dagaalamo Ruushka, sida uu ay baahisay warbaahinta Ukraine.

Ruushka ayaa lagu eedeeyay in uu isku howlay raadinta calooshood u shaqeystayaal ka soo jeeda Afrika si ay uga qayb qaataan duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine, sida laga soo Xarunta iska caabinta Qaranka.

Calooshood u shaqeystayaal ka soo jeeda Afrika ayaa inta badan la geeyaa dalka Burkina Faso, halkaasi oo ay ku qaataan tabbabar ciidan ka hor inta aan loo daabulin dalka Ukraine.

Ilaa hadda lama ogga sida Maxamed Adiila ay ugu suuro-gashay in uu ka mid noqdo Calooshood u shaqeystayaal ka soo jeeda Afrika, islamarkaana ka dhinac dagaalama Ciidanka Ruushka ee ku sugan Dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here