Ra’iisul wasaare Xamza oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee Talyaaniga

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Piem Mario Dacco’ Coppi.

 

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here