DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargalinaya howgallada dalka looga sifeynayo Al-Shabaab ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.
Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii dib loo doortay ku dhawaaqay dagaalka ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa saldhiggiisa ugu weyn ee uu dagaalka ka hoggaaminayo ka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, waxanna tan iyo markaas ciidamadda xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda deegaanka ay maleyshiyada shabaab ka xoreeyeen degmooyin iyo magaalooyin badan oo ay shacabka ku dhibaateynayeen.
Goordhow ayuuna Madaxweynuhu ka dagay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ka hoggaamin doonoo dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaan ee ka socda deegaannada Galmudug.