Maamulka Sh/Hoose oo ka warbixiyay howlgal ka dhacay Kuntuwaarey

0

AFGOOYE (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal culus oo ka dhacay degmada Kuntuwaarey ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

 

Barre ayaa sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah, isla markaan lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno iyo saraakil ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu xaqiiniyay in illaa 7 xubnood lagu dilay, laguna dhaawacay 4 kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wax khasaare ah uusan soo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here