MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.
Aadan Madoobe iyo Danjire Abdalla bin Salim Al Nuceymi ayaa ugu horreyntii ka wada-hadalay xoojinya iriirka labada Baarlamaan iyo wadashaqeyntooda.
Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa dolwadda Qatar u gudbiyay dalab la xiriira sidii ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Qatar loogu mahad-celiyay, maadaama ay taageero kala duwan siiso Soomaaliya.
“Dowladda iyo shacabka Qatar waxa ay kaalin weyn ka soo qaatay dhismaha iyo dowladnimada” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.
Kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo dhowaan Soomaaliya iyo Qatar ay heshiis cusub oo is afgarad ah ku gaareen magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.
Heshiiska ayaa ku saabsanaa iskaashiga dhanka sharciga ah oo dhex-maray labada dal, kaas oo taabanaya dastuurka, waxaana Soomaaliya u saxiixay wasiirkada cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, Xasan Macallin oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga Qatar, halka dhinaciisa uu saxiixay Wasiirka Cadaaladda dalkaas, Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi.
Sidoo kale wuxuu is-afgaradka ka turjumayaa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.
Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-