MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shir guddoomiyay Golaha Amniga Qaranka oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya.
Waxaa shirka goobjoog ka ahaa Ra’isul wasaare mudane Xamse Cabdi Barre, wasiirro iyo sidoo kale saraakiil ciidan.
Shirkan ayaa waxaa xoogga lagu saaray dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .
Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-