Sawirro: Hay’adda SoDMA oo markale shixnad gargaar kala wareegtay Imaaraadka

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, ayaa maanta Munaasabadd kooban oo markale ka dhacday Garoonka Aadan Cade waxa ay kula wareegtay Shixnadi Labaad oo gargaar ah oo Dowladda Imaraadka Carabta dadkeena ugu deeqday.

 

Gargarkaan ayaa ka kobnaa qaybaha kala duwan ee Raashinka, waxaana waday mid kamid ah diyaradaha Xamuulka qaada ee Dowladda Imaaraadka .

Kaaliyaha Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Cabdiraxmaan Waxiid ayaa deeqdaan kala wareegay masuuliyiin ka socday Safaaradda Imaaradka ee Muqdisho, waxaana xusid mudan in maalamaha soo socda keenista gargaarkan kuwa lamid ah ay si socon donaan.

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa kamid ah dalalka Inta badan caawiya Shacabk Soomaaliyed iyo Dowladooda, waxaana hay’adda SoDMA ay uga mahadcelinaysaa garab istageeda walaltinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here