Shabelle oo caawa oo bilaabeysa tartan aqooneedka bisha Ramadaan

0

MUQDISHO (SMN) – Waxa caawa si rasmi ah u bilaaban doono tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo galay sanadkii 22-aad.

 

Barnaamijka ayaa sanadkan aad u xiiso badan, waxaana ka qayb-galaya illaa 24 degmo oo ka kala tirsan gobollad dalka.

Wareegga koowaad oo caawa la guda galayo ayaa waxaa lugta u horreyso ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Baydhabo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Baay.

Guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle, Cabdullahi Cismaan Cadaani ayaa sharaxaad ka bixiyay tartankan iyo ujeedkooyinka uu xambaarsan yahay, wuxuuna sheegay in muhiimaddu au tahay is dhex-gal iyo sare u qaadida waxbarasshada dalka.

Taabagelinta sanadkan waa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal marino qaali ah siin doonta degmooyinka gala kaalmaha koowaad iyo labaad ee tartanka bisha Ramadaan, halka su’aal diyaarintuna ay tahay jaamacadda caalamiga ah ee Horseed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here