Jubbaland oo dil ku xukuntay Nabadoon lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga garmaqalka wajiga labaad ee kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalmaya sanadkii 2021-kii.

 

Eedeysanahan ayaa siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay kooxda, waxa uuna u ahaa xubin muhiim ah isaga oo xilal kala duwan soo qabtay.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamadda Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay eedeha loo haysto Ugaas Aadan iyo cadaymo muujnaya sida uu muhiim ugu ahaa Al-Shabaab.

Gabagabdii Maxkamadda Ciidamadda Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay eedda loo haysto Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi kaas oo ugu dambayn lagu xukumay dil toogasho ah waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here