Madaxweynaha Xasan oo cambaareeyay weerarka ka dhacay dalka Ruushka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee ka dhacay xalay goob lagu qabanayey Bandhig faneed oo ku taala caasimada dalka Ruushka ee Moscow.

 

Madaxweyne Xasan ayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka uga tacsiyeey dhacdadan argagaxa leh isagoo sheegay in wakhtiga adag dowladda Soomaaliya garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Ruushka.

“Dowladda Soomaaliya xilligan adag waxa ay garab taagan tahay shacabka Ruushka, waxayna diiday dhammaan noocyada rabshadaha ee argagaxisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Xalay ayey koox hubaysan oo soo gashaday dirayska Ciidanka waxay galeen goob Hool ah halkaas oo ay ka socday Bandhig faneed,iyadoo sida ay sheegtay Warbaahinta Ruushka goobta ku dhinteen 40 qof sidoo kalena ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here