1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan muhiim ah kula yeeshay Nairobi Madaxweynaha Kenya William Ruto.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabaaldegaya sannadguuradii 64-aad tan iyo markii la aasaasey.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga, jeediyayna fariimo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, dhowrista qaranimada dalka, amniga , dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalka.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirigelin ah la qaatey qaar ka mid ah saraakiisha haweenka ee ku jira Ciidamada Qalabka Sida.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farxadda Ciidul Fitriga la qaatey qaar ka mid ah carruurta halyeeyadii Ciidamada Xoogga Dalka ee ku shahiiday dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabab.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah magaalada Makka kula yeeshay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdulcasiis.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabaaldegaya sannadguuradii 64-aad tan iyo markii la aasaasey.
8- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirrada, iyadoo xilalka la magacaabay uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Moallim Fiqi.
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay kulan afur ah oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ee ka jira magaalada Muqdisho.
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI laanta magaalada Muqdisho.
12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dowladood.