MUQDISHO (SMN) – Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.
Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaaGuddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.
Inta uu socday kulanka waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-