Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Aadan Madoobe?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

 

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawi Sawirrada:-

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here