Wafdi ka socda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 ayaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Turkiga Mudane Niyazi Acar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka ku yimid casuumaad uu wasiirku u fidiyay.

 

Soo dhaweynta wafdigaan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Turkiga.

Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Turkiga Mudane Niyazi Acar ayaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS uga mahadceliyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.

Wasiir Xasan Macallin iyo Wasiir Niyazi ACAR ayaa inta wafdigu uu Muqdisho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada hadlayaan ajandayaal badan oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka arrimaha caddaaladda iyo garsoorka ee  labada dal.

Booqashada rasmiga ah ee wafdigaan ayaa timid kadib safarro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tagay dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here