MUQDISHO (SMN) – Xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU ayaa manta magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee shaqaale weynaha adduunka.
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, urrurada shaqaalaha, haween iyo ururada bulshada raydka, waxaana intii ay socotay lagu falanqeeyey muhiimada ay maalintan leedahay iyo sidii taageero xooggan loo siin lahaa shaqaalo weynaha Soomaaliyeed.
Munaasabada ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey qoddobo ay ka mid yihin xaqiijinta siyaasada shaqaaleynta qaranka, taas oo uu xiriirku ku baaqay in si dhakhso ah loo dhaqan geliyo barnaamijka qaran ee shaqo hufan, kaas oo ay kal hore ku heshiiyeen bah wadaagta Soomaaliyeed ee seddex geesoodka ah iyo hay’adda caalamiga ah ee shaqada adduunka ee ILO sanadkii 2013.
Waxaa kale ee lagu baaqay in la dhaqan galiyo xoojinta kaabayaasha suuqa shaqada iyo caafimaadka badqabka goobaha shaqada iyadoo sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo xoojinta kormeerka goobta shaqada iyo u hoggaansanaanta sharciga.
FESTU ayaa cod buuxa ku taageertay sidii ay shaqaalaha Soomaaliyeed u heli lahaayeen caddaalad bulsho iyo shaqo hufan, taas oo xoojineysa in shaqaaluhu helaan mushaar u dhigma dhididkooda, dhanka kalana abuureysa jawi ay shaqaaluhu howlahooda ku dar dar galin karaan.
Xoghayaha Guud ee xiriirka Urrurada shaqaalaha Soomaaliyeed, Cumar Faaruuq Cismaan, oo madasha ka hadlayay ayaa ku dheeraad ka hadalka muhiimada ay maanta oo kale u leedahay shaqaalaha Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, munaasabada ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay dimoqraadiyada iyo dalka ay ka qabsoonto dooraasho toos ah oo Shacabka awood u siineysa in ay ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama Soomaaliya ay ragaadisay hababka doorasho ee aan dimuqraaddiga ahayn, taasi oo ku dhisan musuq maasuqa islamarkaana soo saarta hoggaamiyeyaal aanu ku imaan rabitaanka bulshada.
Si kastaba intii ay Munasaabada socotay ayuu xiriirku codsaday in la meel mariyo sharciga shaqaalaha Soomaliyeed ee dib u eegista lagu sameeyey isla markaana horyaalla iminka labada aqal ee Barlamanka, iyadoo sidoo kalana FESTU ay dalbatay in si degdeg ah loo ansixiyo Axdiga ILO ee tirsigiisu yahay 138, kaasoo ay meelmariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya 28kii Diseembar 2023, kaas oo si cad u qeexayaa da’da ugu yar ee qofka lagu shaqaaleysiin karo.