Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaano ku yaalla Sh/Dhexe

0

MAHADAAY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka  ay howlgallo culus ka sameeyeen duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

 

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan ku beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo foolka fool ah.

Sidoo kale ciidamada isbaheysanaya ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaanada Obaale iyo Mansuur oo hoostaga degamada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ururka 281-aad guutada 28-aad ee Abuu-cubeyda ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay haatan gudaha u galeen deegaanadaasi, ayna ka wadaan amni xaqiijin iyo miino baaris.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeday laga dareemayay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here