Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray dhameystirka Dastuurka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhammeystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka dalka oo weli ka taagan yihiin dodo xoogan.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in doodaha socda aan loo joojin dastuurka, ayna ka go’an tahay dhammeystirkiisa, si uu dalka u yeesho dastuur rasmi ah.

Sidoo kale madaxweynaha JFS ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso, isla-markaana uu ka dhabeynayo balan qaadkiisii ahaa in ciddda qaabeyneyso mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uusan ku imaan xoog, balse taas beddelkeeda shacabka iyagu ay soo doortaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah, oo ay si weyn uga horyimaadeen mucaaradka iyo Puntland oo gebi ahaan xiriirka u jartay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here