TOOS: Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir iyo kiiska Sayid Cali Macallin

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad dhageysan doonto dacwadda loo haysto Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay horay ugu xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu gubay xaaskiisii marxuumad Luul Cabdicasiis.

 

Maxkamadda ayaa la filayaa inay goordhow bilaabato, waxaana sidoo kale ka qayb-gali doono dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale.

Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa horay Degmada Dharkenley ugu gubay xaaskiisii Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis, oo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawaca kasoo gaaray dabkaas, waxaana bishii hore xukun dil ah ku ridday Maxkamada gobolka Banaadir oo ah qisaasta marxuumada, dbalsa qareennada ay racfaan ka qateen.

Kiiskan ayaa dhaliyay caro xoogan, waxaana si weyn ula socda dadweynaha Soomaaliyeed oo sugaya go’aanka ay gaari doonto Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here