Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-gashay dalka Bahrain + Sawirro

0

MANAMA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Bahrain.

 

Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heerka Wasiir-Maaliyadeed oo hal maalin ahaa waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhaqaalaha Dalalka Carabta, in wadajir looga shaqeeyo horumarinta xasiloon ee dhaqaalaha iyo in la abuuro fursadaha sare loogu qaadayo maalaglinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo kulanka kadib qoraal kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter ka ayaa sheegay in sidoo kale shirka looga dooday arrimo muhiim u ah oo ay ka mid tahay horumarta dhaqaalaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here