Faah-faahinta: Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooley

0

QORYOOLEY (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaas, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare culus gaarsiiyeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana halka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada aagga degmada Qoryooley.

Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro lagu soo qaado sladhigyada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here