MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Guuleed Abdijaliil iyo wafdi ka socda Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka qaybgalay Shirka heerkiisu sareeyo ee heer farsamo iyo heer Wasiir ee hindisaha wadajirka ah oo lagu Horumarinayo xiriirka ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha ee xuduudaha, iyadoo la tixgalinayo hanaanka Caafimaadka Mideysan kaasoo sare loogu qaadayo amniga caafimaadka gobolka.
Shirkan oo maanta ka furmay magaalada Nairobi ayaa socon doona mudo sadex cisho ah iyadoo ay ka qayb galayaan mas’uuliyiinta Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka cimilada ee dalalka (Somalia, Kenya, Ethiopia) waxaa sidoo kale qayb ka ah IGAD, Chatham House, UKHSA iyo WHO.
Ujeedada shirkkan oo markii ugu horaysay la qabto ayaa ah soo bandhigidda mudnaanta caddaynta ku salaysan ee lagu heshiiyey aqoon-is-weydaarsiga farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Beeraha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada ee saddexda waddan (Soomaaliya, Kenya, Itoobiya), iyadoo la filayo in Madaxda Sare ee Wasaaradaha shirka ka qayb-galaya ee Sadexda dal ay soo saaraan Sidii Siyaasad cad looga yeelan lahaa Hirgalinta Caafimaad Midaysan taasoo sadexda dal u fududeyneysa inay si wada jir ah uga hortagaan xaaladaha deg dega ah iyadoo la adeegsanayo Caafimaadka Midaysan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa soo bandhigay Sida Wasaaradda Caafimaadka JFS ay uga go’antahay in la helo Caafimaad midaysan taasoo sare u qaadaysa in si wada jir ay dalalka xuduud wadaaga la ah Soomaaliya uga hortagaan Cudurada dilaaca ee xuduudaha isaga kala goosha.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida dadaalada lagu wajahayo Midaynta Caafimaadka Gobolka, iyo ka hortaga Dilaacidda Cudurada faafa iyadoo kaashanaysa dalalka deriska iyo Saaxibada Caafimaadka Soomaaliya.