Ciidamada DF oo dib uga soo baxay deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe

0

BALCAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay kasoo baxeen deegaano dhaca jinka wabiga Shabelle ee gobolkaasi.

 

Ciidamada isbaheysanaya ayaa lasoo warinayaa inay soo faarujiyeen deegaanka Xawaadley iyo tuulooyinka hoos yimaada, halkaas oo laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in deegaanadaas oo hoostaga degmada Balcad ay soo buux dhaafiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo lagu arkay aaga deegaanka Xawaaldey.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi lasoo daristay, maadaama dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha Al-Shabaab lagu jebiyay, wejigii koowaad ee dagaalka, waxaana weli ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada DF iyo Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here