Dib u dhis lagu sameeyay xarunta taliska ciidanka nabad-gelyada waddooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey taliska qeybta guud ee ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka ee (Traffic).

 

Wasiirka ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo horumarinta lagu sameeyey qeybta guud ee ciidanka Nabadgelyada waddooyinku ay kaalin weyn ka qaadan doonto adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan ciidanka Taraafikada.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada;- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here