Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo tababar usoo xiray ciidamo cusub + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta tababar ugu soo xiray Dugsiga tababarka Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Akadeemiyo guutada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.

 

Guutadan oo mudooyinkii u danbeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howlgalo ay dhawaan Ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib tirayo Khawaariijta.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta Dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada: 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here