Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Mareykanka

0

COLUMBUS (SMN) – Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

 

Waxa uu Wasiirku kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida Ohio, kuwaas oo boqolaal kamid ah ay soo buux dhaafiyeen goob lagu qabanayay xaflada soo dhaweynta Wasiirka.

Inta badan dadkii ka hadlay xafladda ayaa muujiyay baahida loo qabo isbadal ka hirgala dalka iyo in qurba joogtu ay u hamuun qabto dalkoodii oo nabad ah in ay dib ugu laabtaan.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo halka laga yimid, waxa uuna ka codsaday qurbajoogta Mareykanka in dalka ay yimaadaan isla markana qeyb ka noqdaan, siyaasadda iyo horumarka dalka ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here