Ciidamada Xoogga Dalka oo meydad horleh kusoo bandhigay Ceeldheer

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale warsaxafadeed kasoo saartay dagaalkii maalin kahor ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay soo aruuriyeen meydad horleh oo ay ka carareen Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo bandhigay gudaha degmada Ceeldheer.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta kusoo ku dhigay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka

Halkan hoose ka akhriso:-

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadiga Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa helay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerartay magaalada waaberigii Sabtidii tagtay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad ah, intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib.

Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidoo kale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta, maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysa waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda qaldeen cadowga Khawaarijta ah in ay kala soo baxaan.

Dowladda waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad-diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka, si lamid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here