Daawo: Dadkii ugu badnaa oo buux dhaafiyay qabuuraha Iskuul Buluusiya

0

MUQDISHO (SMN) – Qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho waxaa maanta buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah, kadib go’aankii kasoo baxay dowladda federaalka oo amartay in maydadka lagala baxo halkaasi.

 

Ehellada ay dadkooda ay ku aasan yihiin ayaa bilaabay in maydadka ay ka saaraan qabuuraha Iskuul Buluusiya, maadaama la dhisayo, sida ay sheegtay dowladdu.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabkii tegay halkaasi ayaa sheegay in lagu xujeeyay warqad ogolaansho ah inay kasoo qaataan gobolka Banaadir, taas oo ay cabasho ka muujiyeen.

“Hooyaday macaan 4-sano ayey duugantahay, hadii la ii fasixi lahaa anigaa lasoo bixi lahaa, balse waraaq ogolaasho ayaa la igu xujeeyay”.ayuu yiri mid kamid ehellada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here