Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-hadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir dhanka qadka taleefoonka ah la sameeyay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa la yeeshay wada-hadallo xasaasi ah.

 

Labada mas’uul ayaa yeeshay wada-hadal miro dhal ah, waxayna ka arrinsadeen sidii sare loogu qaadi lahaa xoojinta iskaashiga labada dal.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen horumarinta mashaariicda muhiimka ah ee ay haatan dowladda Qatar ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageerada wayn siiya dowladda federaalka, waxayna sidoo kale ka qayb qaadataa gargaarka bani’aadanimo ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here