DF Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Osman Egal oo uu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Bashir Moallim Ali Hassan ayaa kullan miro dhal ah la qaaday Mudane Jean Todt, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka.

 

Labada dhinac ayaa kaa ka wada hadlay muhiimada iskaashi iyo wada shaqeyn dhaw ay u leedahay ka miro dhalinta hawlaha hortabinta leh ee Wasaaraddu hormuudka ka tahay.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay muhiimada yareenta shilalka wadooyinka, iyo sal u dhigida shuruucda mabadgaliyada wadooyinka si loo dar-dargeliyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fardowsa Osman Egal ayaa uga mahadcelisay Ergeyga Gaarka, iyadoo hoosta ka xariiqday iskaadhiga dhaw ee ka dhaxeya Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here