Taliyihii guutada 8-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo qarax lagu dilay

0

BAYDHABO (SMN) – Wararka ka imaanayo inta u dhexeysa Goballada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo lAla eegtay saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

 

Wararka waxa ay sheegayaan in qaraxaas uu ku dhintay taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60-aad CXDS iyo askar Kale oo la socotay waxaana miinadaasi ay saraakiisha Kula qaraxday inta u dhexeysa gobolada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha iyo askarta qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen gurmad doonayay in ay kaabaan ciidamo ka tirsan kuwada dowladda oo howlgallo ka wada halkaasi.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi miino ee ka dhacay gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here