Koonfur Galbeed oo guul ka sheegtay howlgal ka dhacay gobolka Baay

0

BUURHAKABA (SMN) –  Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameyey deegaano hoos yimaada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

 

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan, kaas oo sheegay inay guullo ka gaareen.

Inta uu socday howlgalka ciidanka ayaa burburiyey goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida uu sheegay taliyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka degmada Buurhakaba oo ah halka ay isku fidiyeen ciidamada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here