Guddoomiyaha SoDMA oo shir uga qaybgalay dalka Japan + Sawirro

0

HIMEJI (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Himeji ee dalka Japan kaga qeybgalay Shirka madasha caalamiga ah ee fahamka khatarta musiibada “Understanding Risk Global Forum “.

 

Gudoomiyaha ayaa madashaan ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayo sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sanno ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha horyaala, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka qeybgalay shirar dooceedyo iyo doodo looga hadlaayey arrimaha la xiriira maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheyn.

Shirkaan waxaa soo agaasimay Bankiga Adduunka , waxaana martigalisay dowladda Japan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrasa:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here