Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray deegaanka Buulo Xaaji + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hon Cali Yuusuf Cali oo safar shaqo ku jooga Jubbaland ayaa maanta booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Al-Shabaab, isaga oo la hadlay hey’adaha amniga, ciidanka xoogga dalka iyo bulshada deegaanka.

 

Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka,  waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here