Kulan ay lahaayeen xildhibaanada BF Soomaaliya oo maanta baaqday

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan xasaasi ah oo ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xubnaha golaha.

 

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray illaa 108 mudane oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa digniin culus U diray xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta ee ku sugan dalka, wuxuuna tilmaamay in ayaa darro ay tahay baaqashada kulanka, maadaama ay fasax galeen muddo 3 bilood ah.

Sabtidii ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu si rasmi ah u daah-furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka, si ay howlahood usii wataan xildhibaanada Soomaaliyeed oo ay horyaallaan sharciyo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here