Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo deegaano horleh ka qabsaday Shabaab

0

AFMADOW (SMN) –Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 162-aad ee Kumaandooska danab iyo qaybta 43-aad iyo ciidamada kala duwan ee Jubbaland ayaa kala wareegay Al-Shabaab degaano u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo Degmada Afmadow.

 

Howlgaladan qorshaysan ayey ciidamada kula waregeen Deegaanada Harboole, Miido, iyo Biibi, Howlgalka ayaa ahaa mid la isugu furayo deegaanada gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada ayaa inta ay howlgalkan ku jireen burburiyay fariisimo Al-Shabaa. ay ku lahaayeen deegaanadaasi

Jubbooyinka ayaa waxaa haatan kas socda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here