Madaxweynaha HirShabelle oo kulan la qaatay madaxa IOM ee Soomaaliya

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Madaxa IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

 

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta mashaariicda socota, waxana si gaar ah loo dul-istaagay mashaariicda la xiriirta xasilinta.

Madaxa IOM Soomaaliya Frantz Celestin ayaa dhankiisa xusay inay ka go’an tahay shaqo wadajir ah in la qabto taas oo guul u ah shacabka Hirshabeelle.

“Hirshabeelle waxa ay idin kaga mahadcelineysaa howlaha hufnaanta leh ee aad kala shaqeyneysaan oo ay ugu horeeyaan mashaariicda xasilinta oo ka socda degmooyin iyo deegaano badan oo Hirshabeelle ah iyo kuwa kale uu qorshahooda uu socdo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay IOM doorkooda shaqo ay la leeyihiin Dowladda Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here